Wafdi Qurbajoogta gobolka gardafuu ka mid ah oo Maanta Si Weyn Loogu soo Dhaweeyay Degmada Baargaal (sawiro)

Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baargaal ee gobolka Gardafuu murwo Aamino Maxamed Muuse Jabaan iyo maryan maxamed muuse bahay oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka Gardafuu.

Waftigan ayaa intii aysan soo galin Baargaal ku soo hakaday magaalada Taageer oo si aad u balaran loogu soo dhaweeyay, waxayna halkaasi si wada jir ah ula hadleen dadwaynihii ku soo dhaweeyay waxayna sheegeen in ay si wayn oo farxadi ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyay islamarkaana ay si wayn ugu mahad naqayaan bulshada ku dhaqan halkaas.
Wafdiga ayaa xalay habeenimo soo gaaray magaalada Baargaal.

Wafdigan ayaa waxay maanta booqashooyin ku tageen xarumaha Waxbarashada ,Caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee deegaanka ayagoo booqday MCH-ka Baargaal halkaas oo ay warbixin dheer oo ku saabsan xaalada guud ee xarunta iyo baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanka kaga dhagaysteen isuduwaha caafimaadka ee degmada Baargaal Drs. Istanbuul Cali Aadan .

Waxay kaloo wafdigani booqdeen dugsiga hoose Dhexe sare ee Baargaal halkaas oo ay shir dheer kula qaateen maamulka , macalimiinta iyo gudiga waxbarashada degmada .

Gabdhaha wafdiga Marwo Aamina iyo maryan ayaa intaas kadib waxay shir balaaran kula qaateen hoolka shirarka dawlada hoose haweenka iyo hooyooyinka Baargaal halkaas oo ay warbixin gaar ah ka dhagayteen hooyooyinkii halkaasi kula kulmay.

Gabdhaha wafdiga Marwo Aamina iyo maryan ayaa ka hadlay imaatinkooda magaaladda Baargaal ayagoo sheegay iney si aad ah ugu faraxsanyihiin isla markaana ay ka mahadcelinaan soo dhaweynta loo sameeyey. Waxayna sheegeen in qorshaha ay u yimaadeen deegaanka uu yahay inay wax ka ogaadaan xaalada deegaanku ku sugan yahay iyo waxyaabaha uu u baahanyahay si ay wax u qabtaan wixii ay awoodaan.

Safarka wafdigan qurbajoogta ah ayaa waxaa la dhihi karaa wuxuu dhiirigelin u noqonaayaa qurba joogta kale ee gobolka gardafuu si iyaguna uga qeybqaataan horumarka deegaankooda.



BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain