WAX KA BARO XAYAWAANKA AWOODDA BADAN EE MAROODIGA

Maroodiga oo ah xayawaan weyn oo awood badan illaah ku maneystay kuna nool dhulka keymaha leh isla markaana leh dabeecad wanaagsan oo uu bini'aadamku kula noolaan karo ,ayaa leh mucjisooyin aaney la wadaagin xawanaadka kale.

Marka koowaad maroodiga waa xayawaanka ugu culus xayawaanada wuxuuna miisaankiisa gaaraa 6.350 kilogram. Dhererkiisuna waa 4 ilaa 5 mitir ,ku darso oo ilmaha yar ee markaa dhasha maroodiga waa 91kg wuxuuna ka bilowdaa hal mitir. Gacanta dheer ee uu leeyahay maroodiga waxey u tahay San kuma eka urin iyo neefsasho kaliya ee wuxuu u isticmaalaa cabitaanka iyo jarida dhirta uu afka hoose ugu gudbiyo,sawaxan cod aad u dheerna wey leedahay gacantaa. Maroodiga wuxuu wax ka maqli karaa fogaan dhan 8km. maroodi la miisaamay culeyskiis ayaa gaaray 10,886 kg.

Dhagaha waaweyn ee maroodiga kuma eka maqal ee waxey kaloo sameeyaan nidaam u shaqeeya sida qaboojiyaha oo kale waxeyna qaboojiyaan dhiiga maroodiga marka uu lulayo isagoo jidhka intiisa kale gaadhsiiya.

Cimri ahaan maroodiga noloshiisa waxey u dhaxeysaa 60 ilaa 70 sano,wuxuuna cunto ahaan u isticmaalaa maalintii 136kg . Wadamada afrika uu kaga noolyahay ayaa ah 37 wadan oo ah wadamada saxaraha ka hooseeya wuxuuna jecelyahay dhulka howdka ah ee dhirta badan isla markaana ah cawsley, dhanka xuduudaha wuxuu aad u joogaa wadamada Namibia iyo Mali. Halka Aasiyana uu ku badan yahay dhulka roobka badan ee Hindiya ,Nepal iyo meelo kale oo bariga aasiya ka mid ah sida Thailand.

Maroodiga wuxuu leeyahay jir dareen badan oo xitaa hadii daqsi uu jirkiisa fuulo uu dareemayo. Maroodiga wuxuu ilmaha uurka ku sidaa wax ka badan inta xayawaanka kale ay sidaan waana wax ku dhow 22 bilood .

Maroodiga wuxuu u socdaa qoys qoys yaryar, mararka qaarna ilmaha si jamac ah ayey u nuujiyaan Waxaa la yiraahdaa gacanta maroodiga wuxuu leedahay 100,000 oo murqo kala duwan kuwaa oo uu isticmaalo urinta,cabitaanka,qaadashada,soo jiidida,Neefsashada, maroodiga ku nool afrika waxuu leeyahay laba farood halka kuwa Aasiyana ay leeyihiin hal. Waxeyna ku leeyihiin halka ugu danbeysa ee gacanta dheer ay kaga xiranto.

Maroodiga wuxuu ka koontaroolaa dhamaan jirkiisa dhagaha , sidoo kale
waa calaamada muujisa ALARM marka horay u socdaan.

Cilmibaarayaal ku xeeldheer maroodiga ayaa sheegay in maroodiga uu baran karo wax kasta oo lagu tababaro wuxuuna noqon karaa waardiye (watch man ) lagu kalsoonaan karo. Maroodiga oo ah geesi aan baqin ayaa waxa uu aad ugu baqaa Shinida

BAARGAAL.NET
Information Desktop
Developed by Jago Desain