Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule ‘’Indhaguran’’ oo Baargaal soo gaaray

Waxaa maantay galinkii hore soo gaaray degmada Baargaal oo si diiran loogu soo dhaweeyay Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule ''Indhaguran''

Wafdiga wasiirka ayaa kormeer ku maray magaalada Baargaal asagoo Qaybaha Kala duwan ee Bulshada Magaaladaasi kulamo layeeshay .

Wafdiga wasiirka ayaa u sii gudbay dhinaca Beerta taariikhda dheer ee Coomaayo halkaas oo qado loogu diyaarshay.

Booqashada Wasiirka ayaa hadafkeedu yahay sida la sheegay xog uruurin iyo dardargalinta dhismaha Golaha deegaanka degmada Baargaal.

dawlada puntland ayaa horay u sheegtay in Dhamaan Degmooyinka Puntland ee aan la hayn Golaha Deegaanka si dhaqsa ah loogu dhisayo Gole deegaan iyo maamul cusub

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain