Dabayl xoogan oo khasaaro ka gaysatay magaalada Taageer (Sawiro)

Dabayl Xagaa oo xoogan oo ka dhacaday magaalada Taageer ee degmada Baargaal ayaa tarniigi ( jingadii) gabi ahaanba ka qaaday iskoolkii hore ee Magaalada taageer iyo masaajid gacanta lagu hayay oo dhismo ku socday iyo guriyo dad gaar ahi leeyihiin oo ay qaar kamid ah dumisay.

Qaar kamid ah odayaasha magaalada Taageer oo aanu khadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay khasaaraha ay dabayshaasi gaarsiisay dugsiga hoose dhexe ee magaalada Taageer oo ay arday badan wax ka baranjireen iyo sidoo kale masaajid dhismo ku socday oo ay ka xayuubtay saqafka.

Waxaa kale oo ay sababtay dabayshaasi inay dumaan guryo magaalada ku dhexyaal ,lamana soo sheegin cid wax ku noqotay dabayshaasi siday odayaashu noo sheegeen


Developed by Jago Desain