GABAY ‬HATAHRIIBIN | By abwaan Cali Saalax Siciid (Cali daad )

illahy ayaa mahad dhamanteed iska leh. naxariis iyo nabad galyana ha ahaato nabigeena dushiisa.

Tahriibta da'yartu waa aafo qaran,musiibo ummadeed iyo mushkilad caalami ah

Gabayga todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa gabay wacyi galin ah oo lamagac baxay HATAHRIIBIN oo ka digaaya tahriibta iyo dhibaatooyinkeeda uuna tiriyay abwaan Cali Saalax Siciid (Cali daad )

Gabaygan ayuu abwaanku si kooban ugaga hadlaayaa Tahriibta iyo Dhalinyarada Maanta oo baryahan danbe aad u soo kordhay dhalin badana ay ku nafwaayeen.

Gabaygii sidan ayuu ku Bilaamanaayaa Akhris wacan.

Tixo gabay ah baan tirinayaa, Talo wadaageede.
Tusaaliyo waxaan bixinayaa, Muuq tilmaan sidahe.
Tubta maqalka ii fura wax baan, Taabo leeyahaye.


Tahriib adiga oon gelin adoon, Taladu kaa laalmin.
Tubtaas dheer adoon marin adoon, Tacadigaas doonan.
Toban beri adoon qadin adoon reerka, Tacab beeline.
Tiriboli adoon lagugu qaban, Xarig laguu taagin.
Tola’ayeey adooon oranin iyo, Lacagta sootuura.
Tashwiish reerka adigoon kufurin, Tuugsi iyo qaylo.
Taladayda maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.


Talyaaniga baddiisiyo adoon, Barafka sii tuuran.
Taacadi iyo rafaad adiga oon, Lagugu taagtaagsan.
Tacbaan doon ah sadaxeed intaan, Mawjad kaa tuurin.
Turqa weyne oow nibirigii toog, Ku kala gooynin.
Tan aduun mid aakhiro intaan, Taladu kaa weecan.
Tobaddii ilaahay adoon, Tooska uga bayrin.
Taariikh xun adigoon kategin, Lagu tusaalaysan.
Tashi xumo intaaneey kuhodin, Hooyo tacab beeline.
Tobankaas halaag iyo intaan, Shallow lagaa tuurin
Taladayada maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.


Tahluukada dhextaal Yurub hadaan, Idin tusaaalayo.
Tilmaamha xanuunka leh hadaan ,Tixo ku sheegsheego
Tuhun been ah ini loo kacaan, Idin tusaayaaye
Tacadi iyo dhib bey kala kulmeen, Wiilashii tegeye
Teendhada qaxootiga ayaa, Lagu takooraaye
Tiixtiixa barafkeey gidaar, Toban useexdaane
Timahaa kubaxay oo fakhribeey, Telef lajoogaane
Takfiir diinta maanacay ayeey, Tuugsadaan abide
Tirtira buu gawaarida dhahaa, Tuunjigiyo weelka
Tacab uma baxaan iyo tacliin, Tumasho mooyaane
Tabtaaseey muteen Yurub dadkii, Shalay utaagnaaye
Taladayda maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.


Taadan ad kunooshay dalkey, Sharaftu taalaye
Tol ku caawinaayaa jiriyo,Waalid kuu turahe
Tixgelin baad kuleedahay xoriyad, Taam ahoo adage
Tacliin iyo shaqaba waad kaheli, Tii kastey tahaye
Tin iyo cidhib nimcadu waa dhul ay,Toos isaga taale
Togag shidaal ah baa aasan oo, Taako noojirahe
Tiin iyo khudaar waxa kabaxa, Toban kun oo nooce
Tan kalluun ah baa lagahelaa, Tuuryadii qurahe
Tabcashiyo shaqeey naga rabtaa, Ruuxna yuu tegine
Taladayda maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.



Gabay : GABAY ‬HA TAHRIIBIN
Abwaan:‬Cali Saalax Siciid (Cali daad )
Facebook.com/prof.alidaad
Developed by Jago Desain