Xaafada Bilkheyr Xaabo oo ka badisay goljano waaciye & xaafada sandhuubo Baargaal oo la baratamaysa xaafada 26 june ee Boosaaso Kediska SBC

Caawa Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waxaa ku kulmay Laba xaafadood oo ka mid ah xaafadaha 24ka ah ee sanadkan ka qeyb galaya.

Labada Xaafadood ee fooda isdaray caawa ayaa ka kala dhisnaa Magaalooyinka Xaabo iyo Waaciye , waxayna kala ahaayeen Bilkheyr Xaabo Vs Goljano waaciye.

Labadan Xaafadood ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah. Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Tartanka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Bilkheyr Xaabo oo la timid 11 Dhibic, halka Goljano waaciye ay la timid 8 dhibic oo keliya.

waxaana sidaasi guushii ku raacday xaafada Xaabo ka dhisan ee Bilkheyr.

Habeen Danbe waxaa fooda is dari doona labada xaafadood ee aan kala dhicin waa xaafadaha Sandhuubo Baargaal Vs 26 june (Ridwaan) Boosaaso.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain