War Deg Deg ah : Isticmaalka Facebook oo Lacag Laga Dhigay

War uu goor dhow soo saaray Milkiilaha Barta Bulshada ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa waxa uu ku sheegay in Shirkadiisa aysan wax badan kusii shaqeyn karin adeeg Bilaash ah sidaas darteedna qof kasta oo isticmaalaya aaladdan Laga Bilaabo 01-11-2014 uu bixin doono bishii lacag dhan $2.99.

Sidoo kale, Milkiilaha ayaa yiri qofkii aan bixin karin lacagta bilaha ah si aan u caawino haku soo qoro wall-kiisa waxaan ahay Maskiin Shiid ah oo adeegsada Facebook.

Markaas kadib waxaan u fiirin doonaa Boga naxariista waa sida uu hadalka u dhigay mulkiile Mark Zuckerberg.

War kaan uu soo saaray Milkiilaha Facebook ayaa waxa uu yahay mid ay ka naxeen Dad badan oo aad u Isticmaalada barta bulshada ku xariirto ee Facebook oo laga yaabo inaysan awoodin lacagta Bilaha ah halka kuwa kalena ay culees ku noqoto Koontada Lacagta lagu diraayo oo laga yaabo inaysan laheyn wax akoon ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain