Sheeko Aad U Xikmad yaab Iyo Qosol Badan Oo Dhex Martay Qoys Iyo Dadkii Usoo Martiyay

Sheeko Aad U Xikmad yaab Iyo Qosol Badan Oo Dhex Martay Qoys Iyo Dadkii Usoo Martiyay

Nin Bakhiil ah (Wax bixinta aan ku fiicneyn) ayaa waxaa u yimid nin Marti ah oo uu aad u qiimeynayo.

Wiilkiisii yaraa buu u yeeray oo u sheegay inuu Suuqa kasoo iibiyo Hilibka ugu fiican Hilbaha.
Wiilkii wuxuu Saacado maqnadaba wuu soo noqday isagoo aan Hilib wadin.
Odaygii baa yiri " War maxaad Hilib u keeni wayday?".
WUxuu Wiilkii ku jawaab celiyay: Aabe waxaan u tagay Hiliblaha oo ku iri Hilibka ugu fiican ee kuu yaala keen. Wuxuu Hiliblihii iigu jawaabay, Hilib waxaan ku siinayaa fiicnaantiisa darteed aad moodeyso Burcad.
Waxaan is iri buu yiri Wiilkii war hadeyba saas tahay maan Burcadka laftiisa soo iibsado.
Ninkii Dukaanka baan waydiiyay inuu burcad aad u macaan i siiyo,
markaasuu i yiri waxaan ku siinayaa Burcad aad macaanteda moodeyso Malab. Isla markii bay igusoo dhacday Maad bal Malabka laftiisa iibsatid.
War Malab wanaagsan isii baan iri, asuu hadana i yiri Malab waxaan ku siinayaa Sidii Biyaha Muweesaxada u saafi ah. Wiilkii waxaa ku dhalatay war hadiiba ay saas tahay Biyaha Muweesaxada lafteedaa Gurigiinay taalaaye maad iyada Martida siisaan.

Sidaas baan Guriga ugusoo noqday ayuu Aabihiis ku yiri.
Aabihii oo Awalba Wax bixintu ku adkeyd ayaa Wiilkiisii ku yiri (Alloow Alle!! Walee Caqliga iyo Ragganimada anigaa kugu dhalay ee Allaha ku dhaafo). Laakin mar kaluu Aabihii Wiilkiisa la hadlay oo yiri ( War wax kasta waxaa nooga daran intii aad Suuqa wareegeysay sow Kabihii cusbaa ee aan kuusoo iibiyay kaama dhamaan. Taasaaba dhib noogu filane?).

Wiilkii oo Qoslaya ayaa Aabhiis dhagta ugu sheegay (Aniga miyaa Caqliga beelay. Waxaan gashanaa Kabaha Ninka Martida noo ah)..

Intaaso Sheeka ahna Martidii Dhagihiisa ayeey ku dhaceysay oo wuu maqlayay.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain