Gabar Aqoonyahanad ah oo Lagu toogtay Muqdisho iyo Ciidanka Nabad Sugia oo Baaritaan wada

Gabar Aqoonyahanad ah oo Lagu toogtay Muqdisho iyo Ciidanka Nabad Sugia oo Baaritaan wada
Kooxo hubaysan ayaa saaka Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir, waxa ay ku dileen gabar arday aheyd oo ka baxday mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Raga hubaysan ayaa gabadhaan ku toogtay Nawaaxiga halka loo yaqaan Xaafada Dabakaayo Madoow, gaar ahaan jidka jaayga, xilli ay halkaasi mareysay.

Gabadhan la dilay ayaa magaceeda waxaa lagu sheegay Maryan Axmed Boote, waxaana ay ka baxday Jaamacada Plazma ee Magaalada Muqdisho, iyadoo baratay Kulliyada Cilmiga Computer-ka (Computer Science).

Guddoomiyaha Degmada Dharkiinleey ayaa  sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Gabadhaasi.

Dilal kala duwan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho mudooyinkii la soo dhaafay ayadoo lala beegsanaayo gabdhaha wax u soo bartay soomaaliya  waxaana xusid mudan in labo gabdhood oo Jaamacada Simad ka baxay  bil ka hor lagu dilay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain