shakhsiga Sanadka 2014 ee Shabakada Baargaal.net : wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Arimaha Qoyska Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin

shakhsiga Sanadka 2014 ee Shabakada Baargaal.net : wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Arimaha Qoyska Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin

Shabakadda BAARGAAL.NET ayaa qiimeynteeda sanadka ee shakhsiga sanadka  waxay sanadkii la soo dhaafay ee 2014 u aqoonsatay wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Arimaha Qoyska ee Puntland murwo Ansio C/qaadir Xaaji Muumin.

Wasiir Aniso C/qaadir xaaji Muumin ayaa kamid ahayd golihii wasiirada uu Madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas Ku dhawaaqay markii uu ku guulaystay Doorashada Madaxtinimda Dawlada Puntland.

Wasiir Aniso C/qaadir oo ku sugnayd cariga maraykanka ayaa waxay noqotay wasiirkii ugu danbeeyay ee xukuumada C/wali Gaas ku dhawaaqay ee La dhaariyo waxaana la dhaariyay 12 february 2014.

Wasiir Aniso C/qaadir xaaji Muumin oo loo magacaabay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo shaqo badan u baahnayd, Guul inay gaarto Ma fududayn , laakiin waa u dhabar adeegtay waxayna muujisay xeel dheeri, aqoon , damqasho Umaddeed, wadaninimo ,iyo Dareen danta guud.

Mudadii koobnayd ay xilka wassarada haweeka iyo horumarinta puntland murwo aniso C/qaadir ku magacawnayd waxay qaaday talaabooyin badan oo lagu horumarinaayo shaqada wasaarada haweenka ayadoo dajisay qorshayaal ku haboon horusocodka iyo ka mira dhalinta barnaamijyada wasaarada Haweenka waxaana kamid ahaa hawlahaas :

  • wasaarada Haweenka puntland ayaa soo bandhigtay qorshaheeda shanta sano iyo sidii guulo looga gaari lahaa
  • Wasaarada Haweenka ayaa door wayn ka qaadatay daboolida baahiyaha Danyarta Ku dhaqan Puntland.
  • Wasaarad haweenka puntland oo si wayn garowe iyo degaano kale ugu xustay maalmaha caalamiga ah ee hooyoonka, haweenka iyo caruurta sida maalinta 8 March , maalinta gabdhaha yaryar iyo maalinta caruurta.
  • wafdi ay hogaaminaysay wasiirada haweekna oo ka qayb galay shir lagu qabtay kampala uganada oo ku wajahnaa horumarinta suiyaasada baahinta maamulka
  • wasaarada haweenka oo agaasintay kulamo dhiirigalin iyo wacyigalin loogu jeedinaayay dhalinyarada.
  • wasiirka Haweenka Murwo ansio ayaa safaro u kuurgalid ah iyo ka warqabid ku tagtay deegaano ka tirsan Puntland sida baargaal , baran iyo meelo kale
  • wasaarada haweenka ayaa door wayn ka qaaday munaasabad Dhaqaale loogu deeqaayay qoysas danyar , Deeqdaas oo ay bixisay jimciyat shaariqah alkhayriyah.
  • wasaarada Haweenka ayaa furtay siyaasada ka dhanka ah gudniinka gabdhaha , diyaarisayna kulamo looga hadlay tacadiyada dumarka loo gaysto
  • wasaarad haweenka oo furtay mashruuca ka hortaga umul raaca Hooyooyinka
  • wasiirada haweenka oo furtay tababaro ka hortaga tahriibta iyo daabulka ka ganacsiga dadka
  • wasaarada Haweenka oo qabatay olole 16 casho socday oo loogu magac daray dhaqdhaqaaqa ka hortaga tacadiyada iyo wacyigalinta ummada oo ka bilawday 25 november 2014.
  • wasaarada haweenka ayaa ku guulaysatay barnaamij wacyigalin ah oo lagu xusaayay maalinta xuquuqul insaanka iyo joojinta haybsooca.

Tilaabooyinkaas ay wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta qoyska ee Puntland qaaday ayaa waxaa u sii dheer Wasiir Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ka qayb galka munaasabadaha ardayda iyo qaybaha kale ee Bulshada ayadoo ka qayb gashay munaasabado badan oo lagu wacyigalinaayo qaybaha bulshada waxaana kamid ahaa Doorashadii Gudoomiyaha Ururka ardayda jaamacada PSU ee Garowe ayadoo ka ballan qaaday inay waqtigeeda qaaliga ah ugu deeqi doonto jaamacadaha puntland gaar ahaan PSU oo ay xisado ka bixin doonto.

sidaas awgeed ayaa shabakada Baargaal.net waxay u xulatay in Wasiir Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ay noqoto Shaqsiyada Sanadka 2014 ee Shabakada Baargaal.net Xulato

Shabakada BAARGAAL.NET ayaa Horay sanadkii 2013 u dooratay shakhsiga sanadka wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada dawlada Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim oo door wayn ka qaadatay barnaamajkii "aada iskuulada"  , sanadkii ka horeeyay ee 2012 waxay shabakada baargaal.net Shaqsiga sanadkaasi u dooratay  madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida ethiopia mudane Cabdi maxamuud Cumar iley horumarka uu Deegaankiisa iyo dadkiisa gaarsiiyay

Fikirkiina iyo aragtidiina waan soo dhawaynaynaa
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka deegaanada calbari
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
 


Developed by Jago Desain