Wefdi uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Gardafuu oo maalintii 2-aad Caluula Ku sugan (Sawiro)

Maagalada Caluula ee Xarunta Gobolka Gardafuu waxaa labo maalin Ka hor Gaaray Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed iidi iyo wefdi balaaran oo uu horkacayo.

Wefdiga gudoomiyaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu kamid yahay Wasiir Ku xigeenka arimaha Gudaha iyo Horumarinta Miyiga Mudane C/laahi Xaashi qoob deero ,iyo isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu Mudane C/qaadir Maxamed Jaamac ( C/qaadir Caato ) , iyo Gudoomiyaha daladaha ururada dhalinyarada Gobolka Gardafuu Maxamuud Cali siciid oo dhawaan lagu doortay Boosaaso, waxgarad iyo qurbejoog dhamaantood kasoo jeeda  Deegaanka Gardafuu..

wafdiga uu hogaaminaayay gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaala Madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula  halkaasi oo ay  ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta ugu saraysa Maamulkii hore ee Degmada Caluula  ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada iyo dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay Gudoomiyaha meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaaya calanka Puntland , intaasi kadib waxaa loo galbiyay Gudoomiyaha iyo wafdigiisa Daarta Madaxtooyada Halkaas oo ay kulan balaaran  kula yeesheen  waxgaradka iyo odayaasha Degmada Caluula , kulankaas ayaa ahaa mid looga arinsanayay sidii maamul cusub degmada Caluula loogu Sameyn Lahaa islamarkaana dhinaca horumarka looga shaqayn lahaa .

Waxaana Laysku afgartay in xubnaha Golaha Deegaanka Lagu qaybsado qaab deegaan oo laga wareego qaabkii hore ee beel qaybsiga ayadoo loo qabtay muddo labbo maalmood ah  inay guurtidu ku soo xulaan oo ku keenaan xubnaha u matali doona golaha cusub ee Deegaanka Caluula  oo dhan 27 xubnood

Hoos Ka daawo Sawiradii Soo Dhawyntii iyo Shirkii ay wafdigu kula Qaateen Daarta Madaxtooyada Caluula odayaasha iyo waxgaradka deegaanka








Wefdiga gudoomiyaha  ayaa intaysan soo gaarin Magaalada caluula waxay soo mareen deegaanka Tuulo sagaale halkaasi oo ay kulan iswaraysi ah kula qaateen bulshadii ku dhaqnayd deegaankaas

Hoos Ka daawo Sawiro Qurax Badan oo laga soo qaadey Deegaanka ay sii mareen wafdiga Gudoomiyaha iyo nimcada ka muuqata







wafdiga Gudoomiayah Gardafuu ayaa ku soo guulaysaty dhismihii iyo doorashadii maamulka Degmada Bareeda

Xuquuda sawirada waxaa iska leh : groupka- aayaha Gobolka Gardafuu

Faafin Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir wixii Faahfaahin ah : Baargaal@gmail.com  Ama Baargaalmedia@gmail.com 


Developed by Jago Desain