DHagayso : Cilmi baaris lagu sameeyay geedka fooxa laga gurto

DHagayso : Cilmi baaris lagu sameeyay geedka fooxa laga gurto


Qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida ay degto ayaa aad waxaa ugu badan geedka laga gurto Fooxa, taas oo la sheegayo in caalamka oo dhan loo iibgeeyo.

Geedka Beeyada ee laga gurto fooxa waxa uu caan ku yahay oo uu aad ugu badan yahay gobolka Sanaag,Bari iyo gobolka Gardafuu.

Dadka gurta badankooda ma oga meelaha la geeyo iyo waxyaabaha loo isticmaalo. laakiin aqoonyahaniin ayaa cilmi baaris ku sameeyay geedkan BEEYADA ee fooxa iyo udugga kale laga gurto.

Cali Yufle wuxuu ka mid yahay kooxdaasi aqoonyahnada ah ee Cilmi baarista ku sameeyay dhowaan faa'iidada iyo waxyaabaha loo isticmaalo geedkan.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay Cali Yufle oo laftiisu geedkaasi beeyada qaar ka mid ah oo ku yaalla gobolka Sanaag iska leh.


BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari

Developed by Jago Desain