UK oo Safiir Cusub Somalia u Magacowday

UK oo Safiir Cusub Somalia u Magacowday
Boqoradda Britain Queen Elizabth ayaa safiir cusub u magacowday Soomaaliya. Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa Harriet Mathews, waxayna beddelaysaa safiirkii hore Niel Wigan.

Harriet Mathews waa xeel dheere aqoon u leh arrimaha Africa, iyadoo madax ka soo noqotay xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain u qaabilsan bariga iyo Galbeedka Africa.

Sidoo kale Harriet Mathews waxay madax u ahayd howshii UK ee la dagaalanka cudurka Ebola.

Harriet ayaa xilka safiirnimo ee Soomaaliya la wareegi doontaa bisha June.
BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain