March 18, 2015

Xog: Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku soo wajahan PUNTLAND

Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Garoowe ee Xarunta dawlad goboleedka Puntland.

Safarka Madaxweynaha uu ku soo gaarayo Magaalada Garoowe, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay mid salka ku haya Hiigsiga 2016-ka, waxaana la filayaa in halkaasi uu kulan kula qaadan doono Xubno ka kala socda Maamulada Jubba, Koofur Galbeed iyo Maamulka Puntland oo marti loo noqon doono.

Axmed Sheekh Cabdi Daahir oo ah La-taliyaha dhanka Hiigsiga cusub ee maamulka Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in Magaalada Garoowe ay ku balansan yihiin Madaxweyne Xasan, waxa uuna sheegay in ahmiyada kulanka uu yahay in si wada jir ah ay u dhaqan galiyaan Hiigsiga cusub.

Safarka Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu daba socdaa Safar ay dhawaan Madaxweynayaasha Jubba, Koonfur Galbeed iyo Puntland ku yimaaden Magaalada Muqdisho, waxa uuna iminka kulanka garoowe u dhexeyn doona Xassan Sheekh iyo Hogaamiyayaasha Seddexda Maamul Goboleed.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner