Daawo: Shirweynihii 1aad ee Maamul Baahinta Gobolada iyo Degmooyinka Puntland Oo Garoowe Ka Furmay

Daawo: Shirweynihii 1aad ee Maamul Baahinta Gobolada iyo Degmooyinka Puntland Oo Garoowe Ka Furmay
Ra’iisul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cabdirasiid Cali Sharmaarke ayaa maanta furay shir wayne ku saabsan maamul baahinta oo lagu qabtay xarunta hay’ada horumarinta cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa loogu talo galay in saddex maalin looga doodo dhibaatooyinka iyo caqabadaha hortaagan maamul baahinta iyo in la gaaro hadafka maamul baahineed.

Waxaa shirkaan loo furay gudoomiyayaasha 43 degmo ee Puntland iyo gudoomiyayaaasha 9-ka gobol, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galeen xog-hayaasha iyo iskuduwayaasha ilaa heer gobol.

Halkaan Ka Daawo




SHBAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain