Dhacdo Layaab leh oo qabsatay Madaxweynaha Dalka kenya(Akhriso)

Booliska dalka Kenya ayaa su'aalo weydiinaya ruux Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inuu doonayay inuu dilo Madaxweynaha Kenya Uhhuru Kenyatta.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mire Siyaad oo 46 sanno jir ah ayay ciidamadu sheegeen inay xireen maalintii Talaadada ee todobaadkaan waxaana laga qabtay banaanka guriga M/weyne Kenyatta.

Saraakiil booliska Kenya ka tirsan ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Saciid uu ciidamada illaalinayay guriga M/weynaha uu weydiistay in loo fasaxo guriga si uu ula kulmo M/weynaha iyo hooyadiis kadibna ay xireen.

Warar ay hay'adaha amaanku soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in hadda la baarayo Saciid oo ay ku tuhunsan yihiin inuu doonayay inuu dilo M/weynaha Kenya.

Shalayna maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa amartay in baaris dheeraad ah la galiyo kiiskaan ninkan Soomaaliga ah ee lagu eedeeyay inuu qorshaynayay dilka M/weynaha wadanka Kenya.

Sikastaba ha ahaatee Amaanka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay kadib cabsi laga qabo inay dilaan askar ka tirsan dowlada Kenya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain