Dhegeyso”Iskaashatada Beeraleyda Puntland Oo Codsi U Diray Jaaliyada Puntland Ee Qurba Joogta Ah

Iskaashatooyinka beeralayda 9-ka Gobal ee Puntland oo waayadii danbe waday isku tashi dhanka wax soo saarka beeraha ah ayaa ka codsaday Jaaliyada reer Puntland ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka caawiyaan dhanka qalabka lagu fasho beeraha oo caqabad weyni ay ka haysato beeraleyda Puntland.

Gudi kamida iskaashatada beeralayda 9-ka Gobal ee Puntland oo la hadlay Sanaagpost ayaa ka codsaday jaaliyada reer Puntland ee dalka dibadiisa ku nool in ay ka gacan siiyaan helitaanka agabka lagu fasho beeraha sida cagaf-cagafyada,siliga lagu xiro beeraha,riigaga biyaha iyo matoorada kuwaasi oo aysan oo beeralayda ay ku adagtahay in ay helaan islamarkaana ay ku baxayso lacag aad u yar.

Beeralayda 9-ka Gobal ee Puntland ayaa waxaa ay wadaan dadaalo isku tashi ah oo ay kula soo baxayaan khayraadka dalka kujira waxaase jira caqabado baahsan oo beeralayda ka haysta dhanka agabka wax lagu fasho iyadoo aysan jirin awood taageero oo ay ka helaan dowladda Puntland iyo Ganacsatada intaba qalabkaan oo ku baxayso lacag aan badanayn ayaa wax weyn u tari doona beeraleyda hadii ay helaan

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain