In kabadan147 arday iyo macalimiin oo lagu dilay weerarkii Jaamacadda Gaarissa

Maalin madow ayay Kenya u aheyd, ugu yaraan 147 ruux ayaa ku dhimatay Weerarkii Jaamacadda Gaarissa, halka dhaawacu uu kor u dhaafay 90, warkaas waxaa Saxaafadda u sheegay Caawa Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya.

Weerarkaan oo billowday subaxnimadi hore ee maanta (Khamis) ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 147 ruux, halka 90 Qof ay dhaawac yihiin, waana Weerarkii ugu weynaa oo Al-Shabaab ay ku qaado Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa xaqiijiyay in 147-qof lagu diay Weerarka, wuxuuna sheegtay in Khasaaraha uu intaas ka badnaan karo, waana dhimashadii ugu badnayd oo ka dhasha weerar al-Shabaab ka geysatay dalka Kenya. Dadka dhintey ayaa dhamaantiod ahaa ardey iyo macalimiintoodi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in howlgalka ay soo af-jareen ciidamada amniga Kenya, isagoo xusay inaya ku dileen weerarka afartii ruux ee weerarka soo qaaday.


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain