Posts

Daawo Sawiro Naxdin Badan Meydadka Soomaali tahriibayaal ah oo laga helay xeebaha woqooyi ee dalka Masar

Ciidanka ilaaladda Xeebaha dalka Masar ayaa sheegay inay soo saareen maydadka shan qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasoo la socday dooni ku qalibantay Xeebta Degmadda Kafaral-sheekh ee Waqooyiga dalka Masar.

Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la sheegay inay ku jireen dhowr Soomaali ah, kuwaasoo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Dadka degan Degaanka Burullus ayaa arkay maydad ku soo caariyey Xeebta, kadibna waxay u yeereen Booliska iyo Ilaaladda Xeebaha sida uu qoray Wargeyska Yoom Sabca.

Dhinaca kale, Booliska waxay xireen 20 qof oo la rumeysan yahay inay ka badbaadeen doonida qalibantay, waxayna bilaabeen inay raadiyaan Mukhalasiintii ka dambeysay shilkaasi.

Bilowgii bishan, 31 Tahriibayaal ah ayaa lagu xiray Xeebta Degmadda Bexayra oo ku dhow Badda Mediterraneanka, kadib, markii ay la qalibantay doonidii ay la socdeen

Muqalisiinta ayaa qofkii ka qaado 2500 usd iyagoona dadka galiyo badd xiligaan Riski ah oo kacsan iyadoona xataa dadka ku boorin in ay qataan Banbiirooyinka badda loo qaato si qof u bad baado iyadoona xusid mudan tahay in siiriyaanka diideen in xiligaan in ay doon racaan madaama ay bada kacsan tahay iyagoona ku balamay xiliga samarka ay bada dagan tahay

Tahriibayaal u kala dhashay Somali, Sudan iyo Masar ayaa had iyo jeer ka tahriiba Xeebaha woqooyiga Masar, si ay u gaaraan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain