Madaxda puntland miyaanay dareensanayn dhibaatada lacag been abuur ah oo la daabaco leedahay !!!

Madaxda puntland miyaanay dareensanayn dhibaatada lacag been abuur ah oo la daabaco leedahay !!!
Marka hore waxaan u mahad naqaynaa Allaah (SW) oo noo kala saaray xaqa iyo baadilka, ehelkoodana noo caddeeyay, Naxariis iyo Nabadgaliyo Nabi Maxamed Korkiisa ha ahaato, Intaa kadib.

isaga warrami mayno dhibaatooyinka iyo khatarta lacag been abuur ah oo la daabaco leedahay , oo waxay jid u furtaa dhaqaale burbur ka sokow, sicir barar ku yimaada Maciishada iyo adeegyada Bulshada sida raashinka hilibka khudaarta , xoolaha nool , isgaarsiinta, sida baabuurta rakaabka ah iyo kuwa xamuulka ah iwm.

Waxay kaloo saamaysaa nolasha qoys kasta oo kamid ah bulshada gaar ahaan qoysaska danyarta ah.


dhibka ugu daran ee lacag la daabaco ayaa ah saameenteeda oo aan dhaqso looga soo kaban qaadatana muda dheer taas oo niyad jab ku rida bulshada ilaa heer uu qofku gaaro in uu dadkiisa noco, oo dalkiisa noco, oo naftiisa noco oo noloshiisu qiima beesho, maadaama uu wuxuu ku tabcaayay oo shaqaynaayay muddo dheer ay qiimo beeleen maalmo yar guduhood.

Madaxda Dawlada Puntland haday u arkeen kharash la'aanta dowlada ka haysta dhinacyada mushaharka iyo adeegyada dawlada inay xal u tahay lacag shilin soomaali ah oo la daabaco ayagoo la tashanaya ganacsato rabta inay dulaalkooda xalaalaystaan taasi ay tahay ka dar oo dibbi dhal.

Masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumada puntland iyo waxgard ayaa si cad u arka inay daabacaada lacag shilin soomaali ah ay tahay khalad wayn oo horseedi kara sicir barar iyo burbur dhaqaale balse ku dhiiran waayay inay si cad uga soo horjeesadaan oo ka daaya dhahaan bulshada lacagta been abuurka ah.

waxaa nasiib daro ah in madaxwaynaha dawlada soomaaliya xasan sheekh maxamuud iyo masuuliyiinta wasaarada ganacsiga dawlada soomaaliya sida Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan, inay daaha dabadiisa isku qariyaan oo ka gaabsadaan inay arintaas oo saamayn ku yeelanaysa gobolada dalka oo dhan uga digaan maamulka c/wali Gaas oo ka daaya dhahaan bulshada lacagta been abuurka ah.

Ugu danbaymtii diintu waxay xarimtay in la dhibo bulshada muslimka ah , taasina waxaa hoos imaanaysa in lacag been abuur ah la daabaco oo lagu dhaco hantida masaakiinta , marka waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu ka qabto bulshada Wixii Dhib La damacsan ..



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari
nagala soo xiriir : Email Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain