May 04, 2015

MAQAAL : XUDUUD BEELEED

SHARE
Qaab deegaaneedka dhulka soomaalida markii aad u fiirsato waxaad fahmaysaa in loo degay hab qabyaaladaysan oo la yaab leh. Beel kasta, tu' hoose ama mid guud, waxay aaminsantahay inay seere dhuleed oo u gaar ah leedahay. Seerahaas ayay daaqsataa, magaalaysataa oo difaacataa.

Xumaanta, dhiilada iyo dagaalada dhex mara dadka soomaaliyeed waxaa qayb wayn ka ah xuduud beeleedyo, goor hore, wax calaamadiyey aan la garanayn. Miyiga iyo magaalooyinkuna waa isku mid.

Magaala kasta oo kobocday waxaa laga fahmayaa in cidda degan is qola-qolaynayso. Xitaa haddii hayb guud la isku dhaho. Haddii ay qolo is dhahdo waxaad ku dhex qarsoonteen qolo kale, inta ay gooni u baxaan ayay tuulo meel gerigo'an ah dhagax-dhigtaan.

Sidaas waxaa loo yeelayaa in beel kasta hesho aqoonsi qabiil, hab-qabyaaladeedna wax ku dhacsadaan ka dib marka bannaan laga arko.
Maamul goboleedyada dhismay iyo kuwo la dhisayona waxaa ka muuqda aragtidaas. waana suurtagal in mustaqbalka maamuladaasi ku dagaalamaan xuduud beeleedyadaas; si la mid ah sida reer miyigu isu dili jireen.

Runtii, qaabkaasi wuxuu sababay dib u dhac nololeed. Waxaana dhantaalmay fursadihii lagu heli lahaa adeegyo bulsho, xoog dhaqaale, isdhexgal bulsho iyo ilbaxnimo.

Iyadoo qaab-deegaaneedkaasi jiro, kuwa u fekeray hannaanka 4.5 in siyaasadda soomaaliya aasaas looga dhigo, federal qabyaaladaysanna loo taago, aad ayay iiga badiyaan sida shar farsamaysan oo waara loo abuuro.


Qore:   Xareed Saalax
BLOGhttp://haredsalah.blogspot.com



SHARE

Author: verified_user