Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta dhalinyarada SYL oo lagu qabtay degmada Baargaal

Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta dhalinyarada SYL oo lagu qabtay degmada Baargaal
Qeybaha Ururada Bulshada iyo dhalinyarada ayaa xusay Maalinta dhalinyarada Soomaaliyed ee 72  guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ururkii SYL ee Gobonimo doonka ahaa ee 15-ka May.

Munaasabadan oo ahayd mid kooban  oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhalinyarada ACDO ee u dhaqdhaqaaqa arimaha horumarinta iyo wacyigalinta Bulshada Deegaanka ayaa xubnihii ka qeyb galay ee isugu jiray dhalinyarada iyo qeybaha bulshada waxay ku dheeraadeen muhiimada maalinta taariikhiga ah ee 15-ka May.

Siciid Cali Saalax oo kamid ah xubnaha ururka Dhalinyarada ee ACDO oo  la hadlay dhalinyaradii ka soo qaybgashay munaasabada ayaa sheegay in doorka dhalinyaradii hore uu ahaa mid suura geliyay xornimada hada la heysto, isla markaana qeyb lixaad leh ka soo qaatay halgankii gobonimo doonka ahaa.

Siciid Cali saalax ayaa intaasi ku daray in xuska aasaaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL inay tahay mid ku weyn qulubta umadda Soomaaliyed, Gaar ahaan Dhalinyarada wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada Deegaanka iyo guud ahaanba Soomaalida inay ku deydan jidkii ay horay u gaarsiiyen SYL ummada Soomaaliyeed hormuud u noqdaan isbadalka dalka ka socda.


waxaa khadka taleefanka kaga soo qayb galay oo la hadlay dhalinyarada guddoomiyaha Dallada Midowga Ururada Gobolka Gardafuu ee GAYAN oo qeyb ku lahayd qabsoomida iyo ku dhiirigalinta dhalinta deegaanka xuska maalintan taariikhiga ah mudane maxamud cali siciid oo si dheer uga hadlay muhiimada ay dadka Soomaaliyed maalintan u leedahay,asagoo u cadeeyay in ururkoodu uu had iyo jeer diyaar u yahay wacyigalinta iyo kala qayb qaadashada barnaamajyadan oo kale.

Maanta oo kale, sannadku markuu ahaa 1943-dii ayaa la aas-aasay ururkii dhallinyarada Soomaaliyee ee SYL oo horseeday xornimada jamhuuriyadda Soomaaliya.



 

















SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain