Posts

TOP NEWS: Madaxweyne Gaas Oo Wasiiro Uu Kamid Yahay Axmed Karaash Xilka Ka Qaadaya

Qaar kamid ah wasiirrada Dowlada Puntland oo qorshuhu ahaa inay ka qayb galaan shir lagu qiimaynayo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG oo lixdii biloodba mar lagu qabto magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa ka cudur daartay inay shirkaas ka qayb galaan. Warar hordhac ah oo soo gaaraya warbaahinta ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Wasiirka Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin iyo Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax ka cudur daarteen ka qayb galka kulankaas. Wararka la helayo aya intaas ku daraya in sababta wasiirradu go'aankaas u qaateen tahay walaac ay ka qabaan isku-shaandheyn dhowaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku sameyn doono golihiisa wasiirrada. Isku-shaandheynta oo ah mid bilihii u dambeeyey la hadla hayey, waxaa lagu wadaa inay saameyso inta badan xubnaha golaha wasiirrada kuwaas oo qaarkood laysku bedeli doono qaar kalena ay suurogal tahay inay xilalkooda waayaan. Shirka Addis Ababa waxaa ka qayb gelaya guddoomiyeyaasha todoba degmo ee nasiibka u yeeshay barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG,barnaamijkaas oo dhaqaalihiisa shan hay'adood oo caalami ahi bixiyaan. BAARGAAL.NET Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain