Daawo Sawirada: Maamulka Khaatumo oo dab qabadsiiyey labo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta, kuna eedeeyay inay

Maamulka Khaatumo ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerar habeen hore lala beegsaday xarumo is-gaarsiineed oo ku yaala duleedka magaalada Horu-fadhi oo Waqooyi-galbeed ka xigta degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

wasiirka warfaafinta Maamulka Khaatumo Axmed Gacma-yare ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen gubidda taawarro ay lahaayeen shirkadaha isgaarsiinta Telesom iyo Somtel, isagoo sheegay in tallaabadan ay qaadeen kadib markii ay Shirkadahani iska dhego-tireen amar ay bixiyeen.

Eng. Axmed Maxamed Cali (Anwar) oo ka tirsan shirkadda Telesom ee degmada Buuhoodle ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyey boggiisa Face-book-ga ku sheegay inay hantidan lahaayeen dad deegaanka Buuhoodle ka soo jeeda, isla markaana eeda dusha ka saaray madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo.

weerarkan ayaa wuxuu dhacay habeen hore saqdii dhexe, Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in ciidan hubaysan oo wata gaadiidka raaxada ay taawaradan dab-qabadsiiyeen, kuwaasoo ku yaalla isku meel.

Sidoo kale Injineerka ayaa sheegay inay aad ugu adkeyd inay u gurmadaan halka uu falku ka dhacay oo ka durugsanayd , balse khasaaruhu uu yar yahay midkii ay kooxaha hubeysan doonayeen.

madaxa shirkadda isgaarsiinta Telesom ee degmada Laascaanood oo arrinta uga waramay warbaahinta ayaa sheegay in khasaaruhu haatan ku egyahay qalabkii deegaanka taawarku ku yaalay isgaarsiinta mobilka siin jiray iyo agabyo kale oo gubtay, balse qulqulkii is-gaadhsiineed aysan waxba gaarin sida uu yiri .

Maamulka Khaatumo ayaa horey ugu dhawaaqay inay Weerarayaan Taawarada Shirkadda Telesom leeyahay, kadib markii ay soo baxday adeegga Zaad ee lagu isticmaalayo shilinka Somaliland, waxaase maasha ku jira goobaha ay maamulka Khaatumo ka taliyaan ma jirto wax is-gaarsiin ah oo ka jirtaa aan ka ahayn midda Telesom oo haddii laga xiro ay ka go’i karaan calaamka.

 SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain