DEG DEG : Sepp Blatter oo iaka casilay xilka madaxtinimadda xiriirka Kubada Cagta ee FIFA

Madaxa FIFA, Sepp Blatter ayaa ku dhawaaqay in uu ka degayo xilka guddoomiyenimada hay’adda maamusha kubadda cagta adduunka.

Mr Blatter ayaa kaga dhawaaqay go’aankiisa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Zurich.

Waxay ku soo beegmaysaa lix maalmood kadib markii FBI ay weerartay hoteel ku yaalla Zurich oo ay xirtay dhowr ka mid ah saraakiisha FIFA.

Wuxuu sheegay in kulan aan caadi ahayn la qaban doono si loo soo xusho qofka badali doon.

Afar maalmood ka hor ayaa Mr Blatter dib loo doortay mar shanaad.

Blatter, ayaa ahaa 79 sano jir ah, wuxuuna maamulayay ururkan tobanaan sano. Wuxuu sheegay in shir deg deg ah ay FIFA yeelan doonto.


SHABAKADA BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain