(Sawirro) Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo maanta si wayn u xustay maalinta caalamiga ee caruurta Africa

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland ayaa maanta xustay maalinta caalamiga ah ee caruurta qaarada Afrika, taasoo sanad walb ku beegan 16 bisha june.

Munaasabada lagu maamuusayay maalintaan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ee garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro katirsan xukuumada Puntland, marwada madaxweynaha iyo tiro caruur ah.

Sanadkaan ayaa xuska hal ku dhig looga dhigay ka hortaga guurka qasabka ah ee loo geysto gabdhaha yaryarka ah ee aan qaan gaarin.

Mas'uuliyiintii ka hadlay munaasabadaan oo ay kamid ahaayeen wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga ayaa si midaysan u sheegay inay kasoo horjeedaan dhaqanka guurka qasabka ah, kaasoo la sheegay inuu mugdi galinayo mustaqbalka gabdhaha.

Marwada madaxweynaha dowladda Puntland Hodan Ciise ayaa ku baaqday in kor loo qaado maal galinta waxbarashada gabdhaha yaryar si looga baxo dhibaatooyinka ragaadiyay dumarka Soomaaliyeed.

Wasiirka horumarinta haweenka dowladda Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay guurka qasab ah inuu yahay dhibaato weyn oo maanta haysata gabdhaha Soomaaliya ee lagu darayo odayaasha ama dadka aan mas'uuliyada qaadi Karin .

Wasiirka haweenku waxay sheegtay inay og yihiin gabdho badan oo qoysaskooda lacag ka doorteen, kuwaas oo guurkooda kadib la kulmay dhibaatooyin badan.

" Waxaan ka wasaarad ahaan ummadda ugu yaboohaynaa gabdhaha yaryarka ah in wax la baro islamrkaana aan loon fiirinin warshad lacageed.Maalinta caruurta Afrika ayaa ah maalin caalami ah oo aduunka meelo badan laga xuso, waxaana la aqoonsaday muddo haatan laga joogo 40 sano kahor kadib la xasuuqay caruur yaryar oo u dhashay wadanka koonfura Afrika, kuwaasoo dhigayay kacdoon ay ku dalbanayeen in luuqadoooda hooyo wax lagu baro.

SHABAKADA BAAGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com



Developed by Jago Desain