Kororka dadka aduunka ku dhaqan ayaa sanadba sanadka ka dambeeya kor u sii kacaya, iyadoo sanadkan 2012-ka la xaqiijiyey in ay aduunka ku nool yihiin 7 bilyan oo qof.
Dadkaasi aduunka ku dhaqan tiradoodu waxay kala bar ku sii darsami doontaa sanadka 2050-ka Hadii ALLE idmo, iyadoo la saadalinayey in dadka dunida ku dhaqan ay gaari doonaan 10 bilyan oo qof, inkastoo ay taasi hareer socoto dadalo kala duwan oo la xiriira sidii loo xakameyn lahaa kororka dadka oo ay wadaan wadamada qaarkood, inkastoo ay taasi tahay awoodda ILAAH.
Hadaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa tobanka wadan ee aduunka ugu dadka badan, kuwaasi oo marka la isku daro tiradoodu noqonayso 4 bilyan oo ah in ka badan laba bar dadka aduunka ku dhaqan ay ku nool yihiin.
1: Shiinaha (China)
Dalka Shiinaha oo ku yaal qaarada Aasiya waxaa tirakoobka ugu dambeeya ee sanadkan 2012-ka la xaqiijiyey in ay ku nool yihiin dad tiradoodu gaarayso 1,347,350,000 (Hal bilyan, sadex boqol afartan iyo todobo milyan sadex boqol iyo konton kun) oo qof.
Shiinaha inkastoo uu yahay wadanka aduunka ugu dadka badan, hadana xoogaasi wuxuu uga faa’ideystey soo saarista ilo dhaqaale oo wadankaasi uu haatan ku noqdey wadan dhaqaalihiisu si xawli ah u korayo hadana uu fadhiyo, iyadoo xoogga dadka Shiinaha looga faa’ideystey soo saarista malaayiin wax soo saarka warshadaha oo ka dhigay in aduunka qiimo jaban lagu soo galiyo waxyaabah Shiinaha lagu farsameeyo.
2: Hindiya (India)

Hindiya oo xuduud la leh dalka Shiinaha kuna yaal Qaarada Aasiya waa dalka labaad ee dunida ugu dadka badan waxaa tirikoobkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey dadka wadankaasi bishii November ee sanadkii 2011-kii lagu cadeeyey inay gaarayso 1,210,193,422 (Hal bilyan, laba boqol iyo toban milyan, boqol sagaashan iyo sadex kun afar boqol laba iyo labaatan kun) oo qof.
Tobankii sano ee ugu dambeeyey dawlada Hindiya iyo qalabka warbaahinta waxay ku jireen ololle ballaaran oo dadka wadankaasi loogu wacyigalinayo xakkameynta dhalmada, iyadoo dadka loogu yaboohayey abaalmarin hadii ay ku dhaqaaqaan arimaha la xiriira maareynta qoyska.
Hindiya oo ay ku nool yihiin dadka tiradaasi la’eg, waxaa jira malaayiin qof oo nolashoodu aad u liidato, iyadoo ay ka hooseyso nolashoodu heerka faqiirnimada.
Inkastoo dhibaatadaasi ka taagan tahay Hindiya waxaa hadana hareer socota wadankaasi in uu isku dayayo sidii u sameyn lahaa horumar dhanka dhaqaalaha oo lagu maareeyo nolasha malaayiinta qof ee dalkaasi ku dhaqan ee ay haysato nolol xumada  & dhibaatooyinka caafimaadka.
3:Mareykanka (United States of America)
Mareykanku wuxuu sheegtaa in uu yahay wadanka ugu dhaqaalaha wanaagsan aduunka, isagoo sidoo kale ku faana in uu yahay xooga ciidan ee awooda badan ee aduunka, laakiin in dhaqaalaha Mareykanka uu yahay kan ugu horeeya aduunka, taasi run ahaanteeda daah ayaa saaran maadama xiligan Mareykanku la kufaa kacayo dhibaatooyin dhaqaale oo xoogan ayna masalafayaan boqolaal Bangi iyo shirkado waa weyn.
Hadaba dadka ku dhaqan Mareykanka waxay tiradoodu haatan mareysaa  314,540,000 (Sadex boqol afar iyo toban milyan, shan boqol iyo afar kun) oo qof, inkastoo kororka dadka Mareykanku kor u kacay sanadihii ugu dambeeyey.
4: (Indonesia)
Dad badan ayay tahay in ay inyar ka og yihin in Jasiirada sidaasi u yar ee ku taal qaarada Aasiya ay ku nool yihiin dad ka badan 230 milyan.
Indonesia oo ah wadan ka kooban 17,508 (Todoba iyo toban kun shan boqol iyo sided) oo Jasiiradood, Jasiiradaasi 6 kun oo ka mid ah ayaa la degan yahay, waa wadanka afaraad ee ay ku nool yihiin dadka aduunka ugu tirada badan.
Tirakoobkii la sameeyey sanadkan 2012-ka Indonesia waxaa ku dhaqan dad tiradoodu gaarayso  237,641,326 (Laba boqol sodon iyo todobo milyan, lix boqol afartan iyo kow kun sadex boqol labaatan iyo lix) qof.
Ku darso intaad ka ogtahay
A: Dadka Indonesia ku dhaqan ee tiradaasi la’eg 60% waxay ku nool yihiin Jasiirada Java oo ka mid ah Jasiiradaha ugu yar boqolaalka Jasiiradooda ee wadankaasi.
B: Indonesia waa wadanka ugu badan ee ay ku nool yihiin Ummad Muslimiin ah
C: La yaab waxaa leh wadanka Indonesia xiliga ugu saxmad baabuur badan (Traffic Jam)  waa xiligan arooryada hore ee Salaad subaxa la tukunayo, taasi oo muujinaysa tirade dadka u socda Masaajidyada ee salaada u kalahaysa.
5:Brazil
Brazil oo ah wadan ku yaal Latin America (Ameerikada Koonfureed) waa wadanka Shanaad ee ay ku nool yihiin dadka aduunka ugu faraha badan.
Tirakoobkii la sameeyey sanadkan 2012, waxaa ku nool dalka Brazil dad tiradoodu gaarayso  193,946,886 (Boqol sagaashan iyo sadex milyan, sagaal boqol, afartan iyo lix kun sided boqol sideetan iyo lix ) qof.
Mudadii u dhaxeysay 2000 ilaa 2011 tirada dadka Brazil sare ayay ku kacaysay laakiin sanadkan 2012, waxaa la sheegay in lagu guuleystey xakameyn ay wadey dawlada wadankaasi.
6:Pakistan
Dalka Pakistan oo ah dalka Muslim ah oo xuduud la leh wadanka Hindiya isla markaana cadaawad xoogan ay ka dhaxeyso waxaa ku nool dad tiradoodu gaarayso 180,882,000 (Boqol & sideetan milyan, sided boqol sideetan iyo laba kun) oo qof sida uu cadeynayo tiro koobkii ugu dambeeyey ee la sameeyey 8-dii bishi October ee sanadkan 20120.
7: Nayjeeriya (Nigeria)
Dalka Nayjeeriya inkastoo uu yahay dalka todobaad ee ay ku nool yihiin dadka aduunka ugu badan, hadana wuxuu kaalinta koowaad ka yahay qaarada Afrika dalka ay ku nool yihiin dadka ugu faraha badan.
Tirada dadka Nayjeeriya waxay caatan cagacageynaysaa  166,629,000 (Boqol lixdan iyo lix milyan, lix boqol labaatan iyo sagaal kun oo qof).
8: Bangladesh
Dalka Bangladesh waa dal dadkiisu Muslimiin yihiin oo ku yaal qaarada Aasiya, waxaa la xaqiijiyey in tirade dadka wadankaasi sanadkan 2012 ay gaarayso 152,518,015 (Boqol konton iyo laba kun, shan boqol sideed iyo toban kun & shan iyo toban qof).
Bangladesh oo ka mid ah wadamada dunida ugu faqiirsan waxaa lagu guuleystey labadii sano ee la soo dhaafay in la xakameeyo kororka dadka wadankaasi.
9: Ruushka (Russia)
Jamhuuriyada xiriirka Raashiyada ( Russian Federation) oo ku taal Waqooyiga Yurub wuxuu qabsadey kaalinta sagaalaad ee wadanka ugu dadka badan dunida, waxaa sanadkan 2012 ku nool wadankaasi dad gaaraya 143,200,000 (Boqol afartan iyo sidex kun & laba boqol oo kun).
Ku darso intaad ka ogtahay
A: Ruushka wuxuu xuduud dhuleed la leeyahay 14 wadan oo ku kukala yaal Yurub & Aasiya, wuxuu kaloo xuduud badeed la leeyahay Mareykanka & Waqooyiga Kuuriya.
B: Dalka Ruushku waa dalka aduunka ugu balaaran.
C: Magaalada Moscow ee caasimada Ruushka waxaa ku nool dad ka badan 11 milyan oo qof, waxayna ka badna yihin dadka Soomaalida tiro ahaan.
10: Japan:
Dalka Japaan waa wadanka 10-aad ee aduunka ugu dadka badan, waxaa ku dhaqan dad tiradoodu gaarayso 127,520,000 (Boqol labaatan iyo todobo milyan, shan boqol iyo labaatan kun) oo qof sida lagu xusey tiro koobkii la sameeyey September 1, 2012.
Inkastoo dalka Japan uu yahay wadanka ay ku nool yihiin dadka tiradaasi la’eg, hadana Japan waa wadanka ugu horeeye aduunka ee dhaqaalihiisu sida xooga leh u kobcayo, isagoo ah wadanka sadexaad ee dhaqaalihiisu fadhiyo aduunka
.