Xaafada HILAAC Baargaal oo Caaway Wacdaro Ka Dhigtay tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan

Xaafada Hilaac Baargaal oo markii ugu horaysay ka soo muuqatay  sanadka tartanka Aqoonta Bisha ramaadaan ee Xaafadaha iyo Degmooyinka Puntland ayaa Caaway wacdaro ka Dhigtay tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo uga adkaatay xaafada Shimbiraale qardho 11 -5

Labadan Xaafadood ee Hilaac Baargaal iyo Shimbiraale qardho ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.


Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Hilaac Baargaal oo la timid 11 Dhibic halka xaafada kale ee Shimbiraale Qardhoay la timid 5 Dhibic, waxaana sidaasi guushii ku 
raacday Xaafada Hilaac Baargaal oo kamid ah xaafadaha Sanadka Matalaya Magaalada Baargaal.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood .


Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada Hilaac Baargaal guusha iyo shaqada ay wadaan anagoo u rajaynaynaa inay barnaamajka qaybihiisa horumar ka sameeyaan


SHABAKADA BAARGAAL.NET

isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain