Posts

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday hay’adaha UNDP, UNHCR, UNOCHA, WFP, UNICEF iyo UNDSS


Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-7-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay madaxda xafiisyada Qaramada Midoobay ee Puntland , gaar ahaan xafiisyada kala ah UNDP, UNHCR, UNOCHA, WFP, UNICEF iyo UNDSS.

Shirka ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabduulaahi Cumar Camey iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq SulaymaanYuusuf.

Kullanka oo muddo kooban socday ayaa madaxweynuhu waxaa uu warbixino la xiriira howlaha muhiimka ah ee hay'adahaasi kawadaan gudaha Puntland ka dhagaystay madaxdii uu la kulmay, isagoona kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan howlaha horyaala.

Waxaa ay dhankooda sheegeen in meel wanaagsan ay marinayaan mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan guud ahaan Puntland , sidookale waxaa ay tilmaameen in ay kor u sii qaadeen xiriirka wada shaqeyneed ee joogtada ah ee ay la leeyihiin Wasaaradaha Puntland.

Mashaariicda horumarineed ayaa waxa ay sidookale sheegen in ay si dardar leh uga wadaan dhulka ka baxsan laamiga, iyagoo fulinaya balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in dhulka ka baxsan laamiga laga howlgalo si simana adeega bulshada ugaaro guud ahaan shacabka reer Puntland.

Kullankaan ayaa ahaa mid lagu derdergelinayo mashaariicda horumarineed ee hay'addaha Qaramada Midoobay kawadaan Puntland , maadama ay Puntland qaaday dhabbaha horumarka oo la gaarsiinayo miyi iyo magaalo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain