Xuutiyinta Yemen Oo Laga Saaray Inta Badan Magaalada Cadan

Xuutiyinta Yemen Oo Laga Saaray Inta Badan Magaalada Cadan
Maleeshiyaadka taageersan dowlada Yemen ayaa horumar ka sameeyay dagaalada ay kula jiraan mucaaradka Xuutiyinta ah magaalada Koofurta ee Cadan.Diyaaradaha dagaalka ciidamada huwanta Sacudi Carabiya ay horkacdo ayaa duqeeyay dekeda weyn ee magaalada Cadan iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada oo ay mucaaradka haysteen.

Dagaalyahanada taageera dowlada Hadi ayaa maalin kahor waxa ay qabsadeen garoonka diyaaradaha magaalada Cadan iyagoo ka helay garab maleeshiyaad dhowaan lagu soo tababaray Sacudi Carabiya kuna hubeysan hub casri ah oo qaar ka mid ah ay ugu deeqday dowlada Imaaraadka Carabta.

Dagaalkii dhacayay labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse illaa iyo hadda lama oga inta ay gaarsiisan tahay waxyeelada.Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa dib u dhac uu kaga yimid dagaalada ay kula jiraan ciidamada daacada u ah madaxweynaha iskiis musaafuriska ugu nool magaalada Riyad ee Boqortoyada Sacudi Carabiya tan iyo markii ay la wareegeen inta badan magaalada Cadan 26kii March.

Waxana mucaaradka Xuutiyiinta laga qabsaday deegaano muhiim ah magaalada Cadan iyadoo haatan dib loogu riixay dhinaca Galbeed ee magaalada Cadan. Xabad joojin dhowaan lagu dhowaaqay ayaa hirgeli weyday waxayna hay’adaha Qaramada Midoobay ku tilmaameen in ay ku dhinteen dagaalka sokeeye ee dalka Yemen dad gaaraya 3,200 oo ruux 3dii bilood ee la soo dhaafay.

Hal malyan oo ruux ayaa la rumeysan yahay inay barakiciyeen dagaaladan iyadoo inkabadan boqolkiiba 80 tirada dadka Yemen oo lagu qiyaaso 25 Malyan ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo. Dad gaaraya 13 malyan oo ruux ayaa cunto yari ay ku haysataa gudaha dalka Yemen iyadoo weliba sagaal malyan oo dadkaa ka mid ah ay u sii dheer tahay biyaha oo ku adag si ay ku helaan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain