Posts

Faah faahin Shil dhaliyay Khasaare dhaawac oo ka dhacay Duleedka Qardho

Wararka ka imanaya magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar ayaa sheegaya in shil gaari oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac uu ka dhacay meel duleedka ka ah magaaladaasi.

Gaadiidkan oo noocyadoodu ahaa kuwa ka dhex sheqeeya magaalada ayaa waxaa mid ka mid ahi ahaa gaadiidka looyaqaan Dhaynaha, halka Gaariga kalena uu ka mid ahaa booyadaha biyaha ka dhaamiya magaaladaas.

Shilka labadan gaari waxa uu dhacay xalay xili dambe, waxaana uu dhaliyay shilkan khasaare dhan 9 qof oo dhaawac ah, iyadoo dadka dhaawacmay qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah laguna daweynayo isbitalka guud ee magaalada qardho.

Saraakiil dhanka wadooyinka ah ayaa laga soo xigtay in shilkan uu yimid ka dib markii ay isku dheceen labadan gaari oo midna ka soo baxayay magaalada midka kalena ka yimid xaafad ka mid ah magaalada qardho.

Ugu dambeyntii shilalka ceynkan ah ayaa ah kuwo laalaabta, waxaana inta badan loo aaneeyaa wadayaasha gaadiidka kuwaas oo aan si taxadar iyo feejignaan ku jirto u wadin gaadiidka

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain