Posts

Halkee ku dambeeyay shirkii Midnimada iyo wadatashiga beelaha Puntland?



Dowladda Puntland ayaa wali laga sugayaa qabashada shirkii midnimada iyo wadatashiga beelaha Puntland, kaasoo marar badan dib u dhacay ugu danbayna la qorsheeyay in la qabto dhamaadkii bisha barakaysnayd ee Ramadaan .

Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmiya oo tilmaamaya qabashada shirkan.

Waxaa sidii horaba wali xukuumada maxwayne c/wali gaas baadi goobaysa dhaqaalahii shirkaas ay ku qaban lahayd oo ay Hay'adihii horay u ballan qaaday kharashkaas diideen inay bixiyaan kadib markii shirka laga badalay meeshii horay la qorsheeyay in lagu qabto oo ahayd Caasimada Dawlada puntland ee Garowe iyo sidoo kale khilaaf xoogan oo ka jira saami qaybsiga ergada ka qaybgalaysa shirka iyo cidda lagu casumayo iyo beelo badan oo qaadacay ka qaybgalka shirkaas.

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali gaas ayaa marar badan ballan qaaday qabashada shir guud oo loo qabanayo dhamaan beelihii wada dhistay dawlada puntland si loo turxaan bixiyo khilaafaad badan oo jira loona adkeeyo midnimada iyo wadatashiga beelaha Puntland shirkaas oo wali aan qabsoomin oo la sugayo.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain