Posts

Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Baargaal ku daahfuray barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ah

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cuuke oo socdaal ku maraya deegaano ka mida gobolada Gardafuu iyo Bari ayaa ka daahfuray 11/8/2015 degmada Baargaal Barnaamijka Caafimaadka Asaasiga ee ay taageerto Hay'adda Save The children, isagoo sidoo kale furay ololaha talaalka bilaha ee Puntland.

Madaxda Save the children ayaa wasiirka ku wehelinayay socdaalkan, waxana ay kormeer ku tageen xarunta caafimaadka magaaladaTagaeer ka hor inta aan wafdiga si balaaran loogu soo dhowayn duleedka degmada Baargaal.

Intaas kadib ayuu wafdigu booqday iskuulka hoose/dhexe ee degmada,waxana uu u gudbay hoolka lagu qabanayay daahfurka barnaamijka iyadoo ay ka soo qaybgaleen maamulka gobolka, kan degmada, odayaasha dhaqanka oo uu hogaaminayay Beeldaajaha CalBari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin, haween iyo dhalinyaro.

Madaxa xafiiska Save The children Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa faahfaashin ka baxshay barnaamijka ay la wadaan wasaarada Caafimaadka oo uu sheegay in laga fulinayo Degmooyinka Caluula, Baargaal, Qanadala, Isku-shuban Ufayn iyo Carmo. Isagoo raacshay in lixdaas degmo ay hoostagaan oo ay ka shaqeyn doonaan 75 xarumo caafimaad.

Ujeedka Mashruucan ayaa ah hirgelinta iyo gaarsiinta adeegyada caafimadka asaasiga ah hooyada iyo dhalaanka deegnaada ka baxsan laamiga oo dhibaato kala duwan la kulmi jiray.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa kula dardaarmay dadka deeganka inay hormuud u noqdaan fulitaanka iyo guusha barnaaamijka la soo gaarsiiyay, isagoo u raacshay in si haboon uga faa'ideystaan.

Wasiirka Caafimaadka oo soo xiray kulankan ayaa si rasmi ah uga daahfuray degmada Baargaal, waxana uu ugu baaqay inay isku-tashtaan marka hore oo ay la yimaadaan qoondeyntooda ka hor inta aan dowladda iyo hay'addaha caalamigu aysan bixin qaybtooda.














SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain