Posts

UAE oo Markab sida Gargaar u dirtay Soomaaliya asagoo ku xirtey BOOSAASO

Dowladda Imaaraatka Carabta (UAE), ayaa waxay sheegtay inay Markab sida Raashiin Gargaar ah u dirtey dalka Soomaaliya, si ay ugu caawiyaan Dadka Tabaalaysan ee Barakacayaasha ah.

Markabkani oo ay la socdaan Saraakiil kamid ah Hay'adda Samafalka Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa waxuu ku xirtey Dekedda Magaalada Boosaaso, waxaana Kaalmada Mahadcelin ballaaran ka bixiyay Mas'uuliyiinta Puntland.

Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa waxay sheegtay in Markabka uu siday Gargaar Raashiin iyo Alaabo kale isagu jira oo gaaraya 450 tonnes, waxaana loo qeybin doonaan Shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararey Dagaalka Yemen ee soo gaarey Boosaaso.

"Gargaarkan waxaan ugu talagalnay inaan ku caawino Walaalaheena Soomaaliyeed, ee Gaajada & Macluusha ku haysata Puntland ee kasoo cararay Dagaalada Yemen, waxaa jiri doona Gargaar kale oo dhawaan soo diri doono," ayay tiri Hay'adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation.

Imaaraatka Carabta waxay kamid tahay Dowladaha Doorka weyn ka qaadanaya u gargaaridda Shacabka dhibaataysan ee ku kala sugan Daafaha dalka Soomaaliya, iyadoona ay sidoo kale DFS ka caawinaysa Dhisamaha Ciidankeeda.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI
EMAIL: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain