
Guddoomiyaha kooxda Xiddigaha Geeska, Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa xaqiijiyay xarigga fannaaniintaan, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga lagula kacay, waxaannu sheegay in xariggoodu yahay mid sharci darro ah.
Kooxda Xiddigaha Geeska oo xaruntoodu tahay magaalada Hargaysa, ayaa maamulka Somaliland isku khilaafeen safaro ay doonayeen inay ku tagaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo la xiriira arrimmo dhinaca fankooda ku saabsan, waxaanna dhawr bilood ka hor safar uu magaalada Muqdisho ku tagay fanaanka Nimcaan Hilaac, la sheegay markii uu Hargaysa ku laabtay in xabsiga loo taxaabay.
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com