Daawo: Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyay Boosaaso

DHAGEYSO: Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyay Boosaaso
Maamulka gobolka Bari,Kan degmada iyo ururada haweenka ee gobolka ayaa maanta soo dhaweyn diiran ugu sameeyay magaaladan Boosaaso xarunta gobolka Bari Wasiiradda Haweenka Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin iyo wafdi ay horkacayso.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Mxamed Waceys Dhedo iyo ku xigeenkiisa ayaa soo dhaweeyay wasiiradda, waxaana uu sheegay in intii uu xilka gudoomiye nimo hayay ay tahay markii ugu horeysay ee ay soo gaarto gobolka Wasiiradda haweenka Puntland uuna ku faraxsan yahay imatinkeeda

Anisa Xaaji Muumin Wasiirada haweenka Puntalnd ayaa dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsantahay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay duleedka Boosaaso, islamarkaana ay gobolka u timid Booqasho iyadoo inta ay ku sugantahay kula kulmi doonta qeybaha kala duwan ee haweenka .

DHAGAYSO




Wasiiradda ayaa safarkii ay kaga soo amba baxday maalmo ka hor magaalada Caasimadda Ah ee Garoowe waxa ay ku soo martay deegmooyin iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Karkaar, bari iyo Nugaalba.





SHBAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain