Shirweynaha Afraad ee Beeralayda Puntland Oo Ka Furmaya Garoowe

Shirweynaha Afraad ee Beeralayda Puntland ayaa horaanta bisha soo socota waxaa uu ka furmayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Shirkaan oo loogu magacdaray shirka hiigsiga beeralayda ayaa waxaa kasoo qabanqaabiyey beeraleyda oo kaashanaysah Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland waxaana ka soo qayb-galaya beeraleyda 9-ka gobal ee Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfaynayaa sidii ay beeraleydu isugu tashan lahayeen una samaysan lahaayeen sanduuq dhaqaale oo ay isku caawiyaan.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirka lagu falanqayn doono ayaa waxaa kamid ah baahiyaha beeralayda oo ay kamid tahay.

Helida biyo, tababaro, xarumo lagu kobciyo geed miroodka, cagafcagafyo, dawooyinka dirta, xayndaab iyo abuur tayo leh,iyo samaynta sanduuq dhaqaale oo lagu horumariyo beeralayda Puntland.

Shirkaan oo ah shirkii afraad ee ay isugu yimaadaan beeraleyda Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili Hay,adaha ka shaqeeya arimaha beeraleyda ay ka gaabiyeen wax u qabashada beeralayda
Puntland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain