SAWIRO : Wasaaradda Haweenka Puntland oo wadda Qorshe cusub oo Haweenka qaadka ka ganacsada loogu samaynayo fursado Cusub

Wasaaradda Haweenka Puntland oo wadda Qorshe cusub oo Haweenka qaadka ka ganacsada loogu samaynayo fursado Cusub
Shir Wadatashi ah oo muddo labo maalmood ah uga socday Haweenka ka Ganacsada qaadka oo kala yimid goboladda Bari, Karkaar iyo Gardafuu ayaa lagu soo gabagabeeyay Hoteelka Gacayte ee Magaaladda Bosaso Maalintii khamiistii 22 August 2015.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen 50 haween ah,ayaa haweenka qaadka iibiya markii u horraysay waxay ku samaysteen urur iskaashato oo danahooda mideeya, iyadoo munaasabadii gabagabadana ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo arrimaha Qoyska Aniisa Xaaji muumin, Wasiiru Dowlaha xiriirka goboladda ee madaxtooyada Dr Bashiir C/rixman X.Gurxan iyo Xubno kale oo ka socday Wasaarada Haweenka.


Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska Aniisa C/qaadir X. Muumin oo Xafladii Asaaska iskaashatada ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaaradu ay u taagan tahay Difaacida xuquuqda iyo horumarinta gabar walba oo reer Puntland oo ay ku jiraan Haweenka ka ganacsatada Qaadka.


Wasiirada Haweenka Waxay u sheegtay Haweenkii ka soo qaybgalay kulankaas,inay dareensan tahay baahiyaha gaarka ah ay qabaan haweenka qaadka iibiya,waxayna sheegtay in wasaaradu ay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato horumarinta, Waxbarashada iyo kobcinta dhaqaalaha Haweenka, waxay kaloo sheegtay in Wasaaradu ay ku talo jirto inay u abuurto haweenka qaadka fursado kale oo kor loogu qaadayo noloshooda iyo dhaqaalahooda.


Ugu dambayntii, Wasiir Aniisa waxay ku ammaantay Haweenka sida ay u soo agaasimeen doorashadda, iyo sida dimoqraadiyada ah ay isku doorteen, qaarkoodna ay isku tanaasuleen.


Ku Dhawaaqida iskashaatada Haweenka Qaadka ka ganacsatada ee Saddex gobol ee Bari, Karkaar iyo Gardafuu, waxaa xigi doono dallada guud oo loo samayn doonohaweenka ka Ganacsatada Qaadka sida ay sheegtay Wasiirka Haweenka Puntland Aniisa C/qaadir Muumuun.


Qorshaha Dhismaha iskaashatada Haweenka qaadka iibiya Ayaa qayb ka ah qorshe wasaarada haweenku mar hore bilowday oo lagu kobcinayo dhaqaalaha haweenka iyo sidii wasaarada haweenku dawr uga qaadayn lahayd inay u raadiso fursado kale sida shaqooyin iyo maalgelin aan jaadka ahayn, ayadoo ay wasaradu soo bandhigtay in ilaa hadda ay fursado maalgashi u heshay ilaa 1400 oo haween ah 79 ka mid ah haweenkaas ayaa ah haweenka Qaadka ka ganacsada.









BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain