Posts

(Daawo Sawirada) Weeraradii Magaalada Paris oo la soo gaba gabeeyay iyo 153 ruux oo ku dhimatay

Ciidamada Faransiiska, ayaa waxay soo gaba gabeeyeen weeraro qorsheysan oo xalay lagu qaaday illaa lix goobood, oo ku yaala Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Boolisku waxay xaqiijiyeen in ugu yaraan153 ruux ku dhimatay weeraradaan, tiro kalana oo ku dhaw 200 ku dhaawacantay, 80 kamid ah dhaawacodu khatar yahay.

Toddobo nin, ayaa waxaa la hadalhayaa in ay ka masuul yihiin weeraradaasi, iyadoo qaar ka mid ah la sheegay in toogasho lagu dilay, halka qaarka kalana ay is qarxiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa wuxuu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dalkaasi, iyadoo uu amray in la xiro xuduudaha dalka, si loo hubiyo waxa ay yihiin kuwii weerarada gaystay Shacabka ku nool Magaalada Paris, ayaa waxaa lagu wargeliyay inaanay guryahoodu ka soo bixi karin, Ciidamada Faransiiska oo hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayo ku guda jira.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa si xoogan u cambaareeyay weeraradaasi, oo uu ku sheegay kuwo ka dhan ah nolosha bani’aadamka. Barack Obama waxa uu ballanqaaday in Mareykanku uu gacan ka gaysan doono, sidii cadaaladda lagu horkeeni lahaa kuwii ka dambeeyay weeraradaasi. Madaxda Britain, Canada iyo Australia, ayaa waxay shaaciyeen inay garab jooggaan Dowladda iyo shacabka Faransiiska, diyaarna ay ula yihiin taageerada ay ka doonayaan Daawo sawirada









SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain