Deg Deg: Dooni u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah oo degtay.

Dooni u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah ayaa ku dagtay badda u dhaxaysa dalalka Yaman iyo Cumaan,taasi oo kuso jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac Salaax oo la hadlay Warbaahinta,ayaa sheegay in Doonida oo lagu magacaabo Al-Akbari ay waday Maciishada noocayadeeda kala duwan.

''Waxaa Doonta saarnaa shaqaale gaaraya 16-qof,waxaa la badbaadiyay 15-qof,hal qofna waa la la'yahay''Ayuu yiri Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda.

Waxaa xusid mudan in Doonta dagtay ay kaso baxday dalka Imaaraatka Carabta,ayna qayb ka ahayd Doonyaha Ganacsi ee uso rarnaa Puntland.

Dhanka kale,Wasiirka ayaa sheegay in dhaqdhaqaada Ganacsi ee Dekeda Boosaaso uu si habsami leh u socdo,isla markaana ay jiraan Doonyo iyo Maraakiib Ganacsi oo si isdaba joog ah u imanaya Dekeda, halka kuwo kalena ay ka dhoofayaan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain