SAWIRAKA MAANTA : MA XAQ BAA IN GOBOL WAX SOO SAARKIIS GOBOL KALE LAGU DHISO

Sawirka maanta waxaan ku soo qaadanaynaa arin ka dhex taagan wasaarada maaliyada Puntland iyo Masuuliyiinta Gobolka gardafuu oo laga xanibay saamigii horay Dawladu ugu qorshaysay in gobolka lagu hormariyo kadib markay soo xareeyeen dhamaan lacagihii chashuuraadka siday ballantu ahayd.

Horay ayuu madaxwaynaha Dawlada Puntland Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas u ogolaaday in 50%Dakhliga Cashuuraha Gobolka , Gobolka Dib loogu celiyo oo lagu Horumariyo Adeegyada Asaasiga Ah ee bulshada Deegaanadaasi U baahanyihiin sida waxbarashada ,Caafimaadka wadooyinka iwm .

Xayiraada katimid wasaarada maaliyada puntland ayaa dad badani u arkaan in Dawlada uu Madaxa ka yahay C/wali Maxamed Cali Gaas inay damacsantay inay dakhliga Gobolka ku horumariso Gobolo kale, taasi oo ah cadaalad xumadii bulshada deegaanadaasi horay u tabanaayeen balse madaxwayne C/wali Gaas ballanqaaday inuu wax ka qaban doono

Daawasho wacan
Developed by Jago Desain