Ururada haweenka Puntland oo maanta soo saaraay tala soo jeedin ku aadan doorashada Soomaaliya ee 2016 (Sawiro)

Ururada haweenka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ku yeeshay kulan ay uga hadlayeen doorka ay haweenka Puntland ku yeelanayaan doorashooyinka 2016-ka lagu wado inay ka dhacaan Soomaaliya.

kulanka oo ahaa kulan heer gobal iyo heer degmo ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland waxaana ka soo qayb-gashay Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin, xildhibaano iyo haweenka Puntland oo ka kala yimid Gobalada Puntland.

kulankan oo ahaa dood wadaag ayaa waxaa ay haweenku ka soo saareen talo soo jeedin ka kooban 10-qodob oo kala ah.

1.In koontadii dumarku lahaayeen dastuurka dalka lagu daro laguna cadeeyo 30% .
2.In nidaamka doorashada uu noqdo mid ku salaysan degmooyin.
3.In Bulshada, Dowladda,Culimada, Urarada rayidka ah iyo hay,adaha caalamiga ah ay ka qayb-qaataan habkii loogu taageeri lahaa haweenka hankooda siyaasadeed.
4.In wasaaraddaha haweenka iyo cadaalada ay hubiyaan in la fuliyey ama ay heleen qayb-tii haweenku lahaayeen.
5.Waa in la mideeyo daladdaha u ololeeya Haweenka iyo ka qayb-qaadashada siyaasada.
6.In warbaahinta dowladdu ay u samayso haweenka Barnaamijyo joogto ah oo lagu xoojanayo codkooda.
7.In odayaasha dhaqanka lagu wacyi-galiyo taageeridda haweenka ka qayb-qaadanaya Siyaasada.
8.In haweenka bartaan shareecada Islaamka iyo qawaaniinta si ay u fahmaan waxa waajibka ku ah.
9.In dhamaan bulshada lagu wacti-galiyo in haweenka aanay xuduud qabiil lahayn cid kastana ay matali karaan.
10.In la kordhiyo wakhtiga iyo tayada tababarada gabdhaha iyo haweenka loo fidiyo si ay uga faa,iidaystaan ka qayb-qaadashada Siyaasada.

Halkaan ka daawo sawiradda kulanka.











SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain