Wiil Soomaliyeed oo loo diiday aqoonsiga Jarmalka oo is dal dalay

Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah uu isku daldalay magaalo ku taal dalka Jarmalka kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha wadankaas.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa la sheegay inay baaritaan ku sameynayaan kiiska wiil Soomaali ah ee isku dilay magaalada Hanover ee bariga dalkaas.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ka raadsaday sharci ayaa dhibaato ku qaba sidii ay ku heli lahaayeen sharci maadaama ay hore wadamo kale faro loogaga soo qaaday.

Soomaali badan oo u tahriibtay qaarada Yurub ayaa ka raadsaday nolol wanaagsan dalka Jarmalka hase ahaatee waxaa ka horyimid sharciyada dalka oo ka adadag marka loo fiiriyo wadamada kale ee qaarada Yurub.

sidoo kale dalka Jarmalka waxaa labo toddobaad kahor labo wiil oo Soomaali ah oo meel wada degenaa ay iskhilaafeen kadibna mid kamid ah uu diley wiilkii kale. Hase ahaatee markii ay ciidamada gacanta ku dhigeen ayuu wiilkii wax diley isagiina isku dilay xabsiga dhexdiisa

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain