Posts

Xog: Dawlada Puntland oo ku adkaysanaysa fulinta 3 qodob si xal looga gaaro colaada Galkacyo

Warar laga soo xigtay xubno ka tirsan DFS oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Dawlada Puntland ay ku adkaysanayso mawqifkeedii ayadoo codsatay in la fuliyo 3 qodob si looga gaaro xal waara colaada
qodobadaasi ayaa kala ah:
1-In maleeshiyada Galmudug gabi ahaan laga saaro magaalada Gaalkacyo.
2-In DFS iyo Galmudug ay si wada jir ah raali galin uga bixiyaan duulaanka mideysanaa oo ay kusoo qaaden Puntland.
3-In Puntland ay u fasaxan tahay dhismaha wadada ay waday dhismaheeda.

Maleeshiyada Galmudug ayaa diidan qodobadaas oo ay ku sheegeen xujo ay puntland wado.

Ma cadda natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi doota kulamada qabyada ah, markii laga soo tago 4 qodob oo si KMG ah loo go'aansaday in lagu qaboojiyo xiisada taagan.
Afartaasi qodob oo kala ah:
1-in la dhaqangaliyo Xabad joojin rasmi ah,
2-in ciidamada is horfadhiya la kala qaado,
3-in dadkii barakacay fursad loo siiyo inay dib u soo laabtaan iyo
4-in la dhiso guddi wadahadal

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain