Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland

Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa uu booqday maanta Xarunta Ciidanka Badda Puntland isagoo halkaasi salaam sharaf kaga qaatay boqollaal askari oo tababar uga socdo xaruntaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka tababarka ku-jira ayaa ku ammaanay isbeddelka ka muuqday muddadii yarayd ee uu tababarku u-socdey, isagoona kula dar-daarmay in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan si’ay markuu tababarku u-soo xirmo ay uga soo baxaan iyagoo wata aqoon tayo le oo ay dalkooda ku difaaci karaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay saraakiisha tababaraysa ciidanka Badda Puntland in ay xooga saaraan sidii ay ciidanka ugu beeri lahaayeen waddaniyadda iyagoo si dhab ah u tusaya ciidanka qiimaha ay leedahay waddaniyaddu.

“Ciidanka waxaa ugu muhiimsan waxa weeyaan in waddaniyad lagu beero,weliba dalkooda difaaciisa iyo wanaagiisa lagu tababaro oo lagu hago weeye” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

IMG_1774
IMG_1753 IMG_1757 IMG_1761 IMG_1766  IMG_1783 IMG_1788 IMG_1795 IMG_1803 IMG_1805 IMG_1813 IMG_1817 IMG_1819 IMG_1820 IMG_1821 IMG_1828 IMG_1832 IMG_1835 IMG_1837 IMG_1838 IMG_1840 IMG_1845 IMG_1863 IMG_1870
Developed by Jago Desain