Posts

Dhagayso:- Wasiirka Deegaanka Puntland”Geedka Aafada ah Hay’ado ayaa Dhulka keenay,Waa in Dagaal Adag la la Galaa”

Wasiirka wasaarada deegaanka dawlada Puntland Mudane Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay in geedka loo yaqaan Cali garoobka ama geed yuhuudka uu yahay mid dhibaato ku haya deegaanka iyo xoolahaba.

Mudane Cali Cabdilaahi ayaa sheegay Xoolaha inuu mudayo isla markaana neefkii uu mudo uusan ahayn mid rajo leh deegaanka kalana uu qalijinayo meesha uu kasoo baxo geedkaasi.

Wasiirka ayaa hadalkan ka yiri kulan looga hadlayey sidii loo ilaalin lahaa deegaanka oo ka dhacay degmada Buurtinle iyo sidoo kale warbixin uu ka bixinayey deegaano kale oo hoos yimaada degmada oo safaro kaladuwan uu ku Soomaray una kuurgalayey xaalada degmadaasi iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.

Dhanka kale Wasiirka ayaa xusay inay wasaaradiisu wado sidii gabaadyo iyo meelo ay ku hakadaan biyaha roobka ee xiliga dooga ah dhirta iyo dhulkaba waxyeelada u gaysanaya ay wadaan.

Halkan hoose ka dhagayso
Developed by Jago Desain