February 08, 2016

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland oo si KMG ah u ansixiyey xeerka xadgudubyada galamada

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillda Dowlad goboleedka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa waxay si KMG ah u ansixiyeen xeerka xadgudubyada galmada.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan wuxuu guddi kasoo shaqeeya xeerkaan uu magacaabay, kaasoo ka koobnaa Shan Xildhibaan.

gudiyada-parlamaan-pl-2

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL oo dood iyo falaqayn dheer kadib, ayaa fadhigoodan maanta isniinta ah 07-02-2016 si ku meel gaar ah u ansixiyey xeerka xadgudubyada galmada ee Puntland.

Fadhigan ayaa waxaaa xaadiray 10 xildhibaan una guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillda DPL Axmed Cali Xaashi ayey dhamaan xubnaha ka soo qayb galay si buuxda isugu raaceen ansixinta ku meel gaarka ah ee xeerka kaasoo si rasmi ah loo ansixin doono kalfadhiga 37-aad ee Golaha Wakiillada yeelan doonaan bisha june 2016 .

gudiyada-parlamaan-pl-4

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com

NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner