Rasmi: Baro Noocyada Taleefanada aan ku shaqayn doonin whatsapp –ka dhamaadka sanadka 2016

Rasmi: Baro Noocyada Taleefanada aan ku shaqayn doonin whatsapp –ka dhamaadka sanadka 2016
Shirkada whatsapp ayaa Shalay Si rasmi ah ugu dhawaaqay ayadoo ku daabacday website-keeda liiska telefoonada gacanta iyo nidaamyada uusan ku shaqayn doonin Barnaamajka whatsapp-ka laga bilaabo bilowga sanadka 2017.

Warmurtiyeed ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay inay shirkadu hiigsanayso toddobada sano ee soo socota inay diiradda saarato barnaamijyada mobilada ay adeegsadaan tirada ugu badan ee dadka isticmaala taleefanada Sidaas darteedna, dhammaadka sannadka 2016, ay joojin doonaan taageerada ay u hayaan Moobilada iyo qalabyadan hoos ku xusan :

BlackBerry, oo uu ku jiro BlackBerry 10
Nokia S-40 (Nokia S40)
Nokia Symbian OS 60 (Nokia Symbian S60)
Android 2.1 iyo 2.2
Windows Phone 7.1


Shirkadda ayaa tilmaamay in sababta loo joojiyay in la sii wado taageerida qalabkan ay sabab u tahay iyaga oo aan awoodin inay buuxiyaan shuruuda horumarka

Hadaba Haddii aad leedahay qalab mobile ku shaqeeya mid ka mid ah technologiyadahaas kor ku xusan waxaad ogaataa in aad awoodi doonin mobilkaaga inad ku isticmaasho whatsapp



BAARGAAL.NET
BAARGAALTECH- Bringing Technology to Our Region
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain