Sawiro : Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulamo la qaatay Madax Sare oo ka Tirsan Waddanka Mareykanka

Sawiro : Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulamo la qaatay Madax Sare oo ka Tirsan Waddanka Mareykanka
unnamedMadaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo oo dhowaan gaadhey magaalada Washington DC ee Xarunta Waddanka maraykanka ayaa waxaa soo dhoweyntooda kaqayb qaatay safiirka Soomaaliya ee Waddanka Maraykanka Ambassador Ahmed Cawad iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee carriga maraykanka gaar ahaan Jaaliyadda reer Puntland.

Madaxweynaha oo safar shaqo u tegey waddanka Maraykanka ayaa waxaa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin sar-sareoo ay kamid tahay ku Xigeenka Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ahna uqaabilsanaha Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield iyo saraakiil kale.

Madaxwaynaha iyo Marwo Linda ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin hurmarka Puntland ka socda, geedi-socodka nabadda Soomaaliyeed, la dagaalanka argagixisada hannaanka doorashooyinka dalka ka dhici doona 2016-ka iyo doorka Puntland ee siyaasadda Soomaaliya , waxaana uu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa sidoo kale waxay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda waddanka Canada gaar ahaan magaalada Toronto ee caasimadda waddankaasi iyo magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota ee woqooyiga waddanka maraykanka halkaas oo uu kulamo muhim ah kula qaadan doono jaaliyadaha kala duwan ee reer Puntland ee ku dhaqan waddankaasi.

Safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Qaaradda Ameerika ayaa salka ku haya kala war qaadasho jaaliyadda iyo Madaxweynaha iyo sidii ay jaaliyaduhu uga qayb qaadan lahaayeen horumarka xawliga kusoconaya ee Dawladdu ka waddo Puntland iyo sidoo kale in jaaliyaduhu ay taladooda ku aadaan nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi doonta ay la wadaagaan dawladda maadaama dawladda Puntland ay ku dhisan tahay latashiga shacabkeeda dal iyo dibadba.
unnamed (3)
unnamed (2)
unnamed (1)


SHABAKADA BAARGAAL.NET

ISha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain