SHEEKADII WEHELIYE : wadada wanaagsani waa wehelka nolasha ( Qaybtii 1-aad)

SHEEKADII WEHELIYE : wadada wanaagsani waa wehelka nolasha ( Qaybtii 1-aad)
Shabakada Baargaal.net waxay had iyo goor idiin soo xushaa  hadba wixii ay is leedahay  bahweynta soo booqata Shabakada Baargaal.net way xiisaynayaan, hadaba Doorkan waxaan idiin soo xulnay sheekadan la magac baxday Weheliye wadada wanaagsani waa wehelka nolasha oo uu curiyay qoraa C/rashiid xaashi carab  ee gudoon wacan. 


waxa layiri aduun waa sheeko iyo shahid , waxaa kale oo la yiri waari meyside war hakaa haro hadaba waxaa mudan taariikhda cidii baal dahab ah ka gasha in la xuso .

weheliye wuxuu ka dhashay qooys danyar ah kana mid ah qooysaska u saboolsan deegaanka uu ku noolaa isaga iyo aabahii waxay ka xoogsan jireen dhismayaasha oo ay isu noqon jireen wasdaad iyo kuuli mararna beero dad leeyihiin ayay ka shaqayn jireen.

Weheliye wakhtigii uu yaraa wuxuu raaci jiray ariga magaalada waxa uu ku koray nolool adag oo baahi badan oo uusan helin waxbarasho waxa uu soomaray hoy la aan,hu la’aan mana arag axsaan badan oo uu ku farxo, mana la heeyn xigto wax badan dhaanta dhanka dhaqaalaha , hooyadii iyo abihiina waxa ay kala tageen isagoo aan garaadsan waxaana guursaday hooyadii nin kale oo askari ah islamarkiina loo badalay deegaan ka fog deegaankooda.


hase yeeshee weheliye marki uu jiray 16 sano ayuu go’aansaday inuu raaco safaro ganacsi ah oo xoolo nool ka dhoofinayay xeebaha , markii ay soo noqdeena wuu ka haray hadii uu mudo darbi jiif ku noolaa waxa uu bartay dhalin yaro da’diisa ah oo ka shaqeysta saxiimadaha iyo laashashka kaluunka keena magaalada wuxuuna noqday baxri karti uleh shaqada adag ee bad dhacnimada ah maadama uu awalba ku barbaaray nolol adag waxse layiri:

nin bahdii baaho ka waayay baa baxri noqda hadii uu mudo shan sano ah ku noolaa shaqadaa ayaa markii dambe nasiibkiisu siiyay inuu noqdo badmaax raaca maraakiibta waa weyn ee qaaradaha isaga gudubta markii uu mid kadago ayuu midkale raacijiray umana suurto galin in uu aabihii kawar helo oo markii hore uu ka dhuuman jiray asagoo ka baqi jiray inuu ku celiyo meeshoo kasoo hijrooday.


Weheliye  intay soomali is arkaan ayaa yareed oo ajanabi buu la shaqeysan jiray hase ahaatee wuxuu marar badan xusuusan jiray xaaladii aabihii ku jiray kana werweri jirey waxa uu ku fakirijiray in uu shaqeysto waxaana werwer ku hayay noloshii uu soo maray wuxuna go aan saday mudo kasta haku qaadatee fakhri inuu ka fogaado oo hantiile noqdo 

La soco qaybta Danbe

SHABKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain